Hel qiimo dhimis 10% ah, iibso labo shey

0
0
0
0
Days
0
0
Hrs
0
0
Min
0
0
Sec
im252 iam252 somalia tech youtube facebook

Saacad Smart Watch (DT4+)

$34.00

15% Off

Marka aad ku xirato gacanta saacaddan DT4+ waxa ay soo saareysaa quruxda gacantaada, haddii aad rag ama dumar tahay, waayo waxa ay ka sameysantahay bir adag oo dhalaaleysa, dhalada sarena waa mid ah, tayada iftiinka iyo midabbada waa mid soo jiidasho leh, waxa ay kuu cabbireysaa garaaca wadnaha, socodka, jimicsiga, qof ayaad ka wici kartaa, kalana hadli kartaa saacaddan, codkeedu waa nadiif.

S

Saacaddan, waxaa lagu magacaabaa DT4+, waa saacad wareeg ah, smart watch ah, bir iyo muraayad adag ka sameysan, marka lagu daro quruxdeeda, waxa ay leedahay awood bateri iyo mid shaqo, waa saacad qiimaheedu hooseeyo, tayadeeduna aad ka akhrin karto qeybta hoose ee faahfaahinta.

Faahfaahinta DT4+

Saacadda waxa ay leedahay midabbo kala duwan iyo qurux daggan. Sababahan hoose ayaad ku xulan kartaa saacaddan:

1- Shaashad wareeg ah oo tayo leh, waxa ay ka sameysantahay dhalo adag, muuqaal ahaanna, waa mid tayo leh, midabbadana si wanaagsan u soo saareysa.

2- Suun dheeri oo ah FREE ah ayaad heleysaa, si ay kuugu raagto saacadda, waxa aan kugu siineynaa labo suun oo mid bir yahay midna silicon (Plastic adag). Si fudud ayaad uga badalan kartaa suunka marka aad doonto.

3-  Ku xiro telefoonkaaga, jeebkana ku heyso, uma baahnid in aad jeebka ka soo saarto telefoonkaaga, waayo saacadda ayaad kala hadli kartaa qofka kaa soo waca telefoonka, codka saacaddu waa fasiix haddii aadan joogin meel buuq xad dhaaf ahi uu ka jiro.

 

4- Batanno kala duwan ayey leedahay, si aad u adeegsato saacaddan, waxa ay leedahay 2 badhan, mid wareegsanaya iyo mid loogu talagalay qeybta jimicsiyada marka aad kala xulaneyso.

 

5- Bluetooth 5 ayey leedahay, marka aad ku xirato telefoonka, dab badan kaama qaadaneyso isku xirkaas, waayo waxa uu adeegsadaa teknoolojiyadda “Low Energy Bluetooth”, Bluetooth 5, waxa uu sidoo kale kuu ogolaanaayaa in aad dhowr shey ku xirato saacadda, sida 2 telefoon oo kale.

 

6- Midabbo kala duwan ayey leedahay, waxaad kala xulan kartaa midabka caddaanka, gray-ga, ama madowga, hana ilaawin suun FREE ah ayaad ku heleysaa mid kasta oo aad xulato.

 

 

7- Garaaca wadnaha, oxygenka dhiigga, socodka iyo jimcsiga ayey kuu xisaabineysaa, si aad caafimaadkaaga uga warheyso, saacaddan waxa ay kuu xisaabin kartaa socodkaaga maalin kasta, jimicsigaaga nooca uu doonaba ha ahaadee iyo oxygenka dhiiggaaga ku jira inta uu la egyahay.

 

 

8- Bateri ku heyn kara maalmo +Wireless Charging, si aad dab u siiso saacaddan, waxaa la socda jaajar wireless ah oo aad keliya saareyso saacadda, sidoo kalena waxa ay leedahay bateri awoodi kara in uu maalmo ku hayo (ku xiran hadba adeegsigaaga).

 

 

9- Lix menu oo kala duwan ayaad kala xulan kartaa, habka soo badhigista barnaamijyada saacadda, waxa aad kala dooran kartaa 6 nooc oo bandhigis ah, batanka wareegga ah ayaadna wareejin kartaa si aad ugu kala gudubto qeybaha iyo barnaamijyada saacadda.

 

 

10- Fure sireed ayaad ku xiran kartaa (Password), si aysan saacadda qofna kaaga adeegsan, waxa aad ku xiran kartaa password ka kooban 4 nambar, waadna ku gali kartaa marka aad adeegsan dooneyso.

 

 

11- Ma ilaaweysid biyo cabista, haa, ma ilaawi doontid in aad biyo cabto, waayo waxa ay saacaddan ku xusuusin kartaa biyo cabista 30kii daqiiqo ama saacaddiiba mar, haddii aad doonto 2 saacadood ka dib ayaad ka dhigan kartaa in ay ku soo xusuusiso.

 

 

12- Iskuma ilaawi doontid fadhiga badan, haddii aad tahay qof fadhiga ku shaqeeya oo aan kicin inta badan, waxa ay ku xusuusin kartaa in aad kacdo waqti kooban kadibba, si uu jirkaaga u furfurnaado oo aadan u qaadin xanuunada fadhiga badan laga dhaxlo.

 

Habka Dalbashada

Si aad u dalbato, fadlan raac tilmaamahan hoose

  1. – Ka xulo qeybta sare, Add To Cart
  2. – Ka xulo oo taabo View Cart qeybta ugu sarreysa ee kuu soo baxaysa.
  3. – Ka xulo batanka ugu hooseeya ee Proceed to Checkout
  4. – Buuxi foomka, samee lacag bixinta, oo xulo Dalbo Hadda.

 

Reviews

There are no reviews yet.

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Title

Go to Top