Saacad Bir Ah (Qadiimi Ah)
Saacaddani waxa ay leedahay qurux gaar ah, waxa ayna u egtahay saacadihii qadiimiga ee la adeegsan jiray berigii hore. Waxaa hubaal ah in ay miiskaaga ku soo biirineyso soo jiidasho iyo xiiso gaar ah.
Xog Dheeri Ah
Saacadda waxa ay leedahay midabbo kala duwan iyo qurux daggan. Waxa ay leedahay gambaleel (alarm) mechanic ah oo ka duwan saacad kasta oo aad horey u aragtay, waxa ay ku shaqeysaa battery AA ah oo hal xabo ah, waa kuwan sababaha qaar oo aad ku xulan karto saacaddan:
1- Naqshad fashion ah, aadna u soo jiidasho badan, waxa ay ka sameysantahay bir dhalaaleysa, qeybta sarena waxa ay ku leedahay bir sida dubbaha oo kale ah oo dhinacyada u jareynaya si uu cod u sameeyo (alarm).
2- Waxa ay leedahay leyr iftiin ku siin kara habeenkii, dhabarka dambe ee saacaddan waxaa ku yaalla badhan yar oo aad riixi karto si ay iftiin yar u hesho saacadda, waqtigana u ogaato.
3- Alarm cod dheer leh ayey leedahay, codka saacaddan aad ayey u qeylo dheer tahay, way ku filantahay in ay hurdada dhaqsi kaa kiciso (haddii aad doonto, waad iska damin kartaa gambaleelka oo dhanba).
4- Waa saacad adag oo adkeysi leh, waxa ay ka sameysantahay bir dhalaaleysa oo adag, aanna si fudud ku laabmeyn kuna jabeyn.
5- Si fudud ayaad u badali kartaa waqtiga iyo alarm-kaba, waxa ay dhabarka dambe ku leedahay 2 badhan oo aad ka sixi karto ama ka badali karto waqtiga iyo alarmka.
6- Midabbo kala duwan ayey leedahay, waxaad kala xulan kartaa midabka caddaanka, cagaarka, buluugga ama jaallaha (hurudka), waxaad ku dooqan kartaa midabka qolkaaga, miiskaaga shaqada, kan cosmatics-ka ama miiskaaga waxbarashada.
You might also like

Saacad Miis Jaajar Leh

Boorsad Laptop

1 review for Saacad Bir Ah (Qadiimi Ah)
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.
ibrahim Abdinasir Guureeye (verified owner) –
Walaal wuu i anfacay ila hada waa maasha allah waye
mahadsanidiin.