S
Quruxda miiskaaga waxbarashada waa mid aan dood iyo hadal lahayn, waayo waa meesha aad ku fekerto, maskaxda kaga shaqeysiiso, waqti daganna ku qaadato, nal-hayahan waxa uu kaa caawinaayaa in miiskaaga uu lahaado qeyb ifeysa, qurux muuqashana leh.
Faahfaahinta Saacadda
Nalka miiskaaga waxa uu muhiim u yahay indhahaaga iyo waxbarashadaada, waa kuwan sababaha aad ku xulan karto nal-hayahan:
1- Waxa uu leeyahay midabbo aad ka xulan karto dookhaaga, midab ahaan, hadba midka uu miiskaaga ku soo baxayo, ama dookhaaga ah ayaad ka xulan kartaa
2- Xagal iyo dhan kasta ayaad u leexin kartaa, soo jeedi ama iska sii jeedi iftiinka, hadba meesha aad iftiinka u rabto ayaad u janjeerin kartaa nal-hayahan, 360 degree ayuu wareegan karaa, ha ilaawin sidoo kale in aad hoos iyo kor u jiidi karto, dheereyn karto, gaabin karto sidoo kalena.
3- Iska dami ama daaro leyrka si fudud, waxa uu leeyahay batan aad nalka ka damin karto ama aad ka daari karto (F.G.: Leyrka lama socdo)
4- Nalka iM252 ayaad kula xirtaa, kana maamulan kartaa telkaaga, wax kasta waxbaa dhameystira, leyrka iM252 waxa uu dhameystire wanaagsan u yahay nal hayahan (Ogow, nalka iM252 gaar ayaad iibsaneysaa, oo lama socdo nal-hayahan.)
5- Miiska shaqada waa uu ku habboonyahay sidoo kale, keliya miiska waxbarashada looguma talagalin nal-hayahan, waxaad sidoo kale u adeegsan kartaa miiskaaga shaqada ee uu computerku kuu saaranyahay ama miiska is qurxinta ee cosmatics-ka kuu saaran.
ahmed bashi (verified owner) –
Aad ayaad u mahadsantihiin bahda im252 market nalhayahaan wax badan ayuu iga saaciday sida inaan wax ku akhristo habeen waxna ku qorto waliba waxaa iigu xiran nalka im252.
Thank you.
Abdikani Aweys Yusuf (verified owner) –
aad iyo aad ayuu ii anfacay mahadsanidiin dhamaan im252 market
deggan mohamed (verified owner) –
waxaan ahay qof arday waxan joga kambala qalabkaan aad ayuu ii anfacay wuxuu ii fududeeyy wax akhriska
waan idinka filaa qalabyo tayadan leh inaad keeni doontaan
Ahmed nuur (verified owner) –
nal hayahaan waxaan ku xirtay nalkiina waana ku isticmaala soo dhawayn iyo waji furnaan ayaa la igu soo dhaweeyay guulaysta oo rabi garabkiina ha galo
sagal ali isse (verified owner) –
qalabkiina waa xul walahi waad ka run sheegteen inaad haysaan qalab tayaysan halkaa kasii wada saxibayal
Mohamed Garaad (verified owner) –
waxaan iibsaday nalka iyo nalhaya aad ayana ula dhacay wana isku ibsaday oo waxan ka faidaystay 20% discount ah