Hel qiimo dhimis 10% ah, iibso labo shey

0
0
0
0
Days
0
0
Hrs
0
0
Min
0
0
Sec
im252 iam252 somalia tech youtube facebook

Boorsad Laptop

(3 customer reviews)

$12.00

Boorsaddan yar, waxa aad u qaadan kartaa shirarka, shaqada, waxbarashada. Waxa ay leedahay midabbo kala duwan oo aad xulan karto, marka aad kala furto waxa ay ka soo laabmeysaa dhabarka dambe si ay laabtoobkaaga u siiso hawo marka aad adeegsaneyso.

M

Marka aad laptopkaaga u qaadanayso shir, shaqo, ama soo jeedin barnaamij, boorsaddan waxa ay kuu noqoneysaa wehel qurux leh. Waa boorso fudud, tayana leh. Faaidooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah:

  • Laabtoobkaaga ayaad dul saaran kartaa marka aad adeegsaneyso, waxa ayna siineysaa hawo wanaagsan.
  • Boorsaddan biyo ma galayo.
  • Waxa ay leedahay meel aad saarato Mouse-ka laabtoobka marka aad kala furto.
  • Waxa ay leedahay qurux gaar ah, waayo ma aha boorso buuran ama cayilan.
  • Marka aad laabtoobkaaga ku sidato, looma maleynayo in aad laabtoob sidato.
  • Hadba cabbirka laabtoobkaaga ayaad heleysaa (13 inch illaa 15 inch).
  • Midabbada ay leedahay waa (Madow, Cagaar, Bulug xiran iyo brown).

Xogta Boorsadda

Boorsadan, waxa ay ku wanaagsantahay qofka aan jecleyn in uu qaado boorso weyn, waxaad xulan kartaa midabka labiskaaga uu ku soo bixi karo ama mid u dhow, waad ku xarragoon kartaa maadaama ay yartahay, khafiifna tahay. Waxaad boorsadan ku dooqan kartaa sababaha soo socda:

 

1- Boorsadan waa khafiif, waxaadna keliya ku ridan kartaa laptopkaaga iyo warqado ama buug dhuuban, waa si xarrago leh u qaado laptopkaaga.

2- Waa u firaash laptopkaaga iyo mous-kaaga marka aad adeegsaneyso oo aad meel fariisato, waa u adeegso laptopkaaga si ka duwan sida ay dadka u adeegsadaan.

3-  Xulo midabka ku qanciya, xitaa midka labiskaaga ama mid u dhow ee midab ahaan uu ku soo baxayo muuqaaga dharkaaga ama kabahaagaba.

 

4- Hawo ama layr sii laptopkaaga inta aad adeegsaneyso. Waad ogtahay in laptopka uu kululaanayo haddii la saaro meel hawada ka xireysa, sidaa darteed, hawo ayuu u baahanyahaye, ha u diidin.

 

5- Kama dusayo biyaha, waxa uu ka sameysanyahay walxo aan biyaha ka dhex bixi kareyn, waa haka baqan biyaha sida kediska kaaga daatay. (Digniin: Ka ilaali biyaha oo ha ugu daadin si ula kac ah)

 

6- Taabashadiisu waa mid raaxo leh, una tolan si xirfadeysan.

 

7- Waad dhaqi kartaa dusha sare, waadna nadiifin kartaa haddii ay wasaqi kaa gaarto.

 

Habka Dalbashada

Si aad u dalbato, fadlan raac tilmaamahan hoose

  1. – Ka xulo qeybta sare, Add To Cart
  2. – Ka xulo oo taabo View Cart qeybta ugu sarreysa ee kuu soo baxaysa.
  3. – Ka xulo batanka ugu hooseeya ee Proceed to Checkout
  4. – Buuxi foomka, samee lacag bixinta, oo xulo Dalbo Hadda.

 

3 reviews for Boorsad Laptop

  1. safa salah mohammed (verified owner)

    aad ban ug helay adegina
    dhaqsiyaha iyo originals ka leh
    iyo hab dhaqankiina qurxoon💯💯🙏🏼

    aaad bad u mahdsantihin iM252 market

  2. Hassan Ali Jimale (verified owner)

    saxibayaal alaab tayo iyo qurux isku darsty ayad gadiin wan idin mahadcelinaaa

  3. Abdiaziz Mohamed Hussein (verified owner)

    aad baan ooga helay boorsadan mahadsanid eng mohamed iyo saxiibadiisa

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Title

Go to Top