Hel qiimo dhimis 10% ah, iibso labo shey

0
0
0
0
Days
0
0
Hrs
0
0
Min
0
0
Sec
im252 iam252 somalia tech youtube facebook

Sawir Qurxiye

(2 customer reviews)

$3.00

40% Off

Qalabkan, waa nal yar oo aad ku xiran karto qeybta sare ama dhinacyada telefoonkaaga, kaas oo kuu sahlaya in aad iska qaaddo sawirro iftiin leh ama iska duubto muuqaal wanaagsan xilliyada habeenkii. Waxyaabo kale oo badanna waad ku qabsan kartaa.

S
Sawir ifiyahan, waa qalab kaa caawinaya waxyaabo badan, waxa aad u adeegsan kartaa:
  1. In aad ku xirato telefoonkaaga si aad isaga qaaddo sawir leh iftiin wanaagsan.
  2. In aad ku xirato Tablet ama iPad si aad sawir isaga qaaddo.
  3. In aad ku xirato Computer-kaaga si aad uga qeyb gasho shir online ah ama fasal.
  4. Waxa uu leeyahay saddex heer oo iftiin ah oo aad kala xulan karto. 1, 2, 3. Midba kan ka dambeeyaa waa uu ka iftiin badanyahay.
  5. Waad jaajareyn kartaa, oo waxa uu wataa fiilada jaajarka ee Micro USB.
  6. Waxaad ku adeegsan kartaa kaamirooyinka hore iyo kuwa dambe ee telefoonkaaga.

Xog Dheeri Ah

Sawir ma isaga qaadday meel mugdi ah oo ma aragtay in uu sawirku helin iftiinkii uu u baahnaa si uu u qurxoonaado? Waxaad sawir mugdi ah uga reysan kartaa qalabkan yar oo kaa haqabtiraya baahida iftiin yarida xilliyada habeenkii ama meel mugdi ah sida qol xiran oo kale, si faafaahsan, sababaha soo socda ayaad ku xulan kartaa qalabkan sawir ifiyaha ah:

 

1- Ku adeegso telefoon, laptop, computer ama tablet, qalab kasta oo aad adeegsato waxna ka daawato, kaamiradna leh ayaad ku xiran kartaa si uu kuugu ifiyo sawirkaaga.

2- Saddex heer oo iftiin ah ayuu leeyahay: Waxaa laga yaabaa in mararka qaar aad u baahantahay iftiin yar, marna, iftiin badan, hadba heerka aad baahantahayba, qalabkan waxa uu ku siinayaa 3 heer oo iftiin ah si aad sawirkaaga ugu xulato iftiinka uu u baahanyahay.

3-  Xulo midabka ku qanciya, xitaa midka telefoonkaaga ama mid u dhow ee midab ahaan uu ku soo baxaya qalabka aad u adeegsaneyso ayaad xulan kartaa.

 

4- Video call ama online meeting ayaad u adeegsan kartaa. haddii aad u baahantahay iftiin marka aad video call galeyso, waad u adeegsan kartaa qalabkan.

 

5- Waad jaajareyn kartaa, oo waxa uu wataa fiilada jaajarka ee Micro USB ah, si uu buuxsamo waqti badan uma baahna.

 

6- Kaamiradda hore ama midda dambe ayaad u adeegsan kartaa qalabkan yar si aad sawir hore ama mid dambe u qaaddo.

Habka Dalbashada

Si aad u dalbato, fadlan raac tilmaamahan hoose

  1. – Ka xulo qeybta sare, Add To Cart
  2. – Ka xulo oo taabo View Cart qeybta ugu sarreysa ee kuu soo baxaysa.
  3. – Ka xulo batanka ugu hooseeya ee Proceed to Checkout
  4. – Buuxi foomka, samee lacag bixinta, oo xulo Dalbo Hadda.

 

2 reviews for Sawir Qurxiye

  1. Moha Hussein (verified owner)

    Waan ka helay qalabkan, inbadan.

  2. Maxamed Shariif (verified owner)

    waan la dhacay qalabkan yar balse leh shaqo waxqabad wnagsan

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Title

Go to Top