Saacad Digital (Wareeg Ah)
Saacaddani waxa ay leedahay muraayad, waxa ay muujineysaa waqtiga oo digital ah iftiinna leh, waxa ay dusha ku leedahay badhan weyn oo aad ka damin karto marka uu codka alarmka qeyliyo.
Xog Dheeri Ah
Saacaddani waxa ay leedahay soo jiidasho daggan, naqshadeedu waa wareeg yar oo qurux leh, dahaarka sare waa caddaan sibiibax ah, waqtigeeduna waa digital iftiin leh. waa kuwan sababaha qaar oo aad ku xulan karto saacaddan:
1- Waxa ay leedahay naqshad wareegsan, fashion ah, aadna u soo jiidasho badan, waxa ay ka sameysantahay muraayad iyo plastic caddaan ama madow ah.
2- Hab tusin fudud ayey leedahay, waxa ay waqtiga kugu tusineysaa hab digital ah (nambaro ah), nal caddaan, cagaar ama pink ayey kuugu sheegeysaa waqtiga, waqtigana waxa aad ka dhex arkeysaa muraayad.
3- Alarm ayey leedahay, waxaad saacaddan saaran kartaa alarm ama gambaleel, waxa aadna u adeegsan kartaa in aad hurdada uga toosto subixii ama aad ku soo xusuusato howl aad qaban lahayd, Sidoo kale, badhan aad ka aamusin karto codka ayey leedahay, marka uu alarm-ka soo qeyliyo, batanka sare ayaad taabaneysaa si aad u demiso codka gambaleelka yeeraya..
4- Badhan aad ka aamusin karto codka ayey leedahay, marka uu alarm-ka soo qeyliyo, batanka sare ayaad taabaneysaa si aad u demiso codka gambaleelka yeeraya.
5- Si fudud ayaad u badali kartaa waqtiga iyo alarm-kaba, waxa ay dhabarka dambe ku leedahay 2 badhan oo aad ka sixi karto ama ka badali karto waqtiga iyo alarmka.
6- Battery ama USB ayaad ku adeegsan kartaa, haddii aad dooneyso fiilo ama xarig la’aan waad adeegsan kartaa oo waxaa galaya 3 battery oo nooca AAA ah, haddii aad doontana waxaad gelin kartaa USB si aad ugu adeegsato battery la’aan, dabna ay u hesho saacadda.
7- Heerkulka ayey kuu sheegeysaa, marka laga soo tago waqtiga oo ay kuu sheegeyso, waxa ay sidoo kale kuu sheegeysaa heerkulka goobta aad joogto iyadoo kuugu sheegeysa hab Celsius ama Fahrenheit ah (C ama F).
You might also like
Saacad Bir Ah (Qadiimi Ah)
Nalka iM252
iM252 Double Fast Charger
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.
Reviews
There are no reviews yet.