November 14, 2022

Categories: Qormo Dad - Taariikh - Xog

im252-sms-taariikh-sms
M

­­­­id ka mid ah hababka ugu dhaqsaha badan ee isgaarsiineed waqtigeenna, waa fariimaha gaaban ee qoraalka ah ee ay dadka isugu diraan telefoonadooda gacanta.

Bilowgii hore

Balse markii ugu horeysay oo fariin gaaban oo qoraal ah lagu diro taleefonka gacanta ayaa ahayd 30 sano ka hor waxaana uu dalkii ugu horeeyay ee laga diray ahaa dalka Ingiriiska.

30 sano ka hor, shirkadda taleefanka gacanta ee Vodafone ayaa noqtay shirkaddii ugu horeysay ee farriinta gaaban u soo dirta injineer ku sugnaa Berkshire.

Farriintii ugu horreysay ee la diro ayaa ahayd mid hambalyo ah oo ku saabsanayd xilliga ay dadka masiixiyiinta u dabaaldagaan ciidooda.

2023-im252-sms-taariikh-sms-somali

Farriinta

Qof Shaqaale ah oo lagu magacaabi jiray Nelly Papworth ayaa farriin u diray sanaddii 1992-dii mid ka mid ah madaxda shirkadda, Richard Jarvis, isagoo u dabbaaldegaya Christmas-ka, balse ma uusan helin jawaab.

Telefoon 2 Kiilo Ah

Taleefanka Jarvis uu sitay xilligaas ayaa ahaa mid ku cusub suuqa, waxaana lagu magacabi jiray Orbitel 901, culeyskiisu waxaa uu ahaa 2.1 kiilo garaam.

Waxaa uu taleefoonkaasi miisaankiisu dhanna ilaa 12 iPhone ama 14 taleefoon gacanta ee ana maanta aan isticmaalno.

Xilligan fariimaha qoraalka ah, waxaa sanad kasta is-weydaarsada balaayiin qof . Toban sano ka hor, ayaa qaamuuska lagu diray eryegaee “farriin qoraaleed ama SMS”.

Iyadoo fariimaha qoraalka ah ee taleefoonada la isugu diro ay wali tahay adeeg jira, ayaa waxa hadana imika la wareegay isgaarsiinta dhanka internetk-ka ee qoraalada la isgu gudbiyo sida WhatsApp.

Sida laga soo xigtay xog uruurin la sameeyay, 40 bilyan oo farriimaha gaaban ah ayaa taleefoonada la isugu diray dalka UK sanadkii 2021, taasoo hoos uga dhacday 150 bilyan oo fariin oo la isu diray sannadkii 2012. Marka la barbardhigo, maanta, 100 bilyan oo farriimood ayaa adduunka oo dhan la isugu diraa WhatsApp-ka maalin kasta.

Si kastaba ha ahaatee, farriimaha gaaban ee teleefoonada ayaa weli waxa isticmaala hay’ado kala duwan.

Waxaa ka mid ah, fariimaha ay hay’adaha kala duwan diraan sida in qofka la xusuusiyo ballamaha caafimaadka iyo shirkdaha qaar oo adeegyadooda macaamiisha ugu dira telefoonada.

Fikradda 160 Xaraf

Markii ugu horreysay ee adeegga fariimaha gaaban ee ee SMS loo yaqaano uu bilaabmay, waxaa kaliya ah oo la diri karay 160 xaraf, markiiba.

Fikirkan fariimaha ahi waxa uu ka soo bilaabmay Yurub sannadihii 1980-aadkii, 10 sano ka hor inta aan farriintii ugu horreysay loo dirin talefanka gacanta.

Taleefanadii hore waxay lahaayeen furayaal ama kiiboorro iyo lambarro ku dhajisan. Marka, tusaale ahaan, si loo qoro xarafka Ingiriisiga ‘C’, waxay ahayd lagama maarmaan in la riixo lambarka 1 saddex jeer.

Nigel Linde, oo ah khabiir dhanka isgaarsiinta ah oo ka tirsan jaamacadda Salford, ayaa sheegay in shirkadaha soo saara taleefannada xilligaasi aysan si wanaagsan ugu darin xarfaha Ingiriisiga.

Waqtigaas, Ben Wood oo ka faalooda arrimaha tignoolajiyada wuxuu xusuustay in dadka la bari jiray sida loo helo loona diro fariimaha gaaban ee qoraalka ah.

Waxaa muddo kooban gudaheed ay dadka aad u barteen sida loo diro fariin qoraaleedka, waxayna gaareen heer ay si fudud farriimaha u diraan iyagoon eegin xarfaha ku yaalla telefoonada gacanta.

Waayahaan danbe dadku waxa ay waqti badan ku lumiyaan in ay eegaan fariimaha lagu soo diro telefoonadooda halkii ay ku hadli lahaayeen telefoonadooda.

Tani waa calaamad muujinaysa in fariimaha qoraalka ah si weyn loola qabsaday, ayuu yidhi Ben Wood.

Xigasho: BBC Somali

 

Goorma ayey ahayd farriintii ugu horreysay SMS ee aad u dirto qof? Ma kula tahay in aad xusuusan karto? Nagula wadaag qeybta hoose faalladaada.

La wadaag saaxiib aad xusuusato!

Exclusive Content

Be Part of Our Exclusive Community

iM252 BLOG

QORMOOYIN TEKNOLOJIYAD.

iM252 Blog, waa halka kulmisa aqoonta teknoolajiyadda, waxaad ka akhrisan kartaa qormooyin ku saabsan qeybaha kala duwan ee teknolajiyadda.

iM252

market

iM252 Market waa goob aad ka heli karto qalabyo iyo agab xulan, tayeysan, tijaabsan, booqo hadda oo ka dooro agabka aad ka hesho.