June 12, 2019

Categories: Fikrado - Mustaqbalka - Xog

im252-artificial-intelligence-jobless-image.jpg

Waxaa jiraa shaqooyin qaar oo ka ciribtirmi doono dunida maadama ay soo ifbaxayaan aalado casri ah oo qaban karaa shaqooyinkaas xilli dunida ay ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka horumarinta shaqooyinka iyo waxsoo saarkaba.

Darawalnimada

Darawalnimada ayaa kamid ah shaqooyinka meesha ka bixi karo xilli waaxyaha gaadiidka adduunka la casriyeeyay taas oo wax ka baddali karto dhammaan sida loo howlgeliyo.

Waxaa jiraa malaayiin qof oo ku tiirsan shaqada darawalnimada oo ka cabsi qaba in arrintani ay saameyso mustaqbalka.

Laga yaabee in aysan mardhow saameyn arrintan dalalka soo koraya sida Soomaaliya, hase ahaatee, marka loo eego dunida kale, qiyaas ahaan , dad gaaraya 3 malyan oo ku nool Mareykanka ayaa halis ugu jiraa inay waayaan shaqooyinkooda maadama uu soo korodhay teknooloojiyad casri ah ee lagu kaxeeyo baabuurta.

Isbaddallada lagu saameeyo gaadiidka adduunka ayaa sii ballaaranayaa, 25-ta sano ee soo socota waxaa yaraan doonaa shaqooyinka darawalnimada.

Haatan waxaa dunida la wareegay qalabka teknooloojiyadda oo ganacsigii iyo suuqyada qabsaday, xitaa dowldaha qaar waxay bilaabeen xoojinta xirfadaha la xiriira teknooljiyadda.

Dowladda Jarmalka waxay bilowday inay taageerto mashruucan isla markaana waxay daneysay qorshaha ku aadan baabuurta sida iskood ah isku kaxeynayo.

Waxay sheegtay in meesha lagu gaaro 2040 in baabuur lagu qiyaasay 33 milyan ay geli doonaa waddooyinka dalkaas kuwaas si iskood ah isku kaxeyn doono.

Maqal hayaha (khasnaji)

Maalmihii hore waxaa jiri jiray qof lacagaha ka uruuriyay xarumaha ganacsiga iyo goobaha kaleba isaga oo kuu soo celinayo baaqikaaga.

Dunida casriga ah waxay horseeday in dadka intooda badan aysan adeegsanin lacagaha caddaanka ah.

Waxaa soo ifbaxay adeegyo casri ah oo lacagaha lagu xawisho ama lagala baxo.

Shaqaalaha bangiyada

Bangiyo badan oo adduunka ku yaalla, waxay haatan yareynayaan shaqaalaha maadama adeegyadaha lacagaha lagu sameeyo adeegyada casriga ah ama Digital-ka.

Mustaqbalka waxaa dhici kartaa in bangiyada qaar ay iska xiraan xarumahooda maadama adeegyada ay ku fulin doonaan Online-ka.

Dunida waxaa haatan si weyn loo maalgelinayaa ganacsiga Online-ka maadama adeegyada la xiriira lacagaha laisku marsiin karo halkaas.

Shaqooyinka dhismaha

Naqshadeynta guryaha waxaa horraan lagu guuleystay in lagu sameeyo teknooloojiyadda.

Pugliano wuxuu rumeysan yahay in xirfadda dhismooyinka ay tahay xirfadda kaliya ah ee baaqi sii ahaan doonto ilaa mustaqbalka.

Shaqada booliska iyo baaritaanada dambiyada

Booliska ayaa hadda dhaqdhaqaaqyada ammaanka iyo baaritaanada dambiyada kula socdaa qalab teknooloojiga ah oo tayadiisu sareyso.

Inkasta oo shaqooyinka aysan lumi doonin balse baahida loo qabo ay yaraan doontaa shaqada gacanta, waa sida uu qabo Pugliano.

Xigasho: BBC Somali

La wadaag saaxiib aad xusuusato!

Exclusive Content

Be Part of Our Exclusive Community

iM252 BLOG

QORMOOYIN TEKNOLOJIYAD.

iM252 Blog, waa halka kulmisa aqoonta teknoolajiyadda, waxaad ka akhrisan kartaa qormooyin ku saabsan qeybaha kala duwan ee teknolajiyadda.

iM252

market

iM252 Market waa goob aad ka heli karto qalabyo iyo agab xulan, tayeysan, tijaabsan, booqo hadda oo ka dooro agabka aad ka hesho.