Xiriiriye Smart Ah
iriiriyahan (Fiishtan) waa mid smart ah oo aan la mid ahayn kuwa aan inta badan adeegsanno. Waxa uu awood kuu siinayaa in aad korontadaada ka maamulato telefoonkaaga oo aad ka demiso ama aad ka daarto. Awoodaha uu leeyahay xiriiriyahan yar waxaa ka mid ah:
- Waxa aad u adeegsan kartaa in aad ku xirato qalabyada guriga ama shaqada, sida Computer, firiij, leyr iwm.
- Telefoonkaaga ayaad ka damin kartaa kana daari kartaa qalabka ku xiran xiriiriyahan.
- Meel kasta oo aad dunida ka joogto ayaad ka maamuli kartaa.
- Waqti ayaad ku xiran kartaa si aad u damiso ama aad u daarto xiriiriyahan.
- Waxaad ku maamuli kartaa codkaaga, Google Home ama Alexa.
- Dabka saaidka ahna wuu ka ilaalinayaa qalabka aad ku xirto.
Xogta Dheeraad Ah
Xiriiriyahan, waxa uu kuu fududeynayaa in aad si hormarsan u maamulato korontada qolkaaga (ama qeyb ka mid ah), Waxaad fiishtan ama xiriiriyahan ku dooqan kartaa sababaha soo socda:
1- Waxaad korontada ka maamulan kartaa telefoonkaaga, waxaad demin kartaa ama daari kartaa korontada godka uu ku jiro xiriiriyahan, tusaale ahaan, hadii xiriiriyahan geliso charger-ka telefoonkaaga, waxa aad jaajarka siin kartaa dab ama waad ka jari kartaa adigoo keliya isticmaalaya telefoonkaaga weyn.
2- Waxaad xulan kartaa xilli gaar ah oo uu is demiyo ama is daaro si iskiisa ah, tusaale ahaan, haddii aad seexaneyso oo aad ka baqayso in uu telefoonkaaga ku dheeraado jaajarka, waxa aad xulaneysaa tusaale ahaan in uu 2 saac kadib is demiyo, adigoo keliya qayaasaya waqtiga aad is leedahay waa uu ku buuxsami karaa telefoonkaaga.
3- Xiriiriyahan waxa uu kaa xigsanaayaa dabka soo dhaca: Haddii ay korontadu tagto haddana ay soo laabato, kuma deynayo korontada qalabka aad gelisay sida jaajarkaaga, tani waxa ay ka badbaadineysaa in ay korontadu gubto qalab kasta oo aad geliso xiriiriyahan ama fiishtan, sidaa darteed, waxa uu leeyahay batan aad ku qasbantahay in aad taabato si ay korontadu ugu shaqeyso qalabka aad u adeegsaneyso xiriiriyahan.
4- Codkaaga ayaad ku maamuli kartaa: Haa, waa run, adigoo jiifa ama nasanaya ayaad codkaaga ku damin kartaa waxa aad ku xiriiriso xiriiriyahan. Tusaale ahaan, haddii aad TVga ku xiriiriso, magaca TV ayaad gelineysaa appka kadibna waxa aad dhihi kartaa “Turn off the TV” si aad u damiso.
F.G.: Si aad codkaaga ugu maamusho waa in aad heysataa Google Home, Amazon Alexa ama kuwa la midka ah ee sawirka ku xusan.
You might also like

Nalka iM252

iM252 Double Fast Charger
Saacad Smart Watch (DT4+)
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.
Reviews
There are no reviews yet.