Hel qiimo dhimis 10% ah, iibso labo shey

0
0
0
0
Days
0
0
Hrs
0
0
Min
0
0
Sec
im252 iam252 somalia tech youtube facebook

Caagadda biyaha iM252

(1 customer review)

$9.00

Kuleyl iyo qabow, midka aad doonto ayaad ku qaadan kartaa, saacado badanna isma badalayo, waayo bir adag oo labo dabaqadood ah ayuu ka sameysanyahay, mana daxaleysanayo (haddii aad ka ilaaliso). Sidoo kale, heer kulka waxa ku jira ayaad ka ogaan kartaa shaashadda sare.

B

Biyo cabista waa wax ku dhisan nolosheenna iyo caafimaadkeenna. Caagaddan biyaha, waxa ay ka sameysantahay bir aan daxaleysaneyn, waxa ayna kaga duwantahay kuwa waxyaabo dhowr ah:

  • Waxaad ku shuban kartaa oo uu kuu heyn karaa kuleyl iyo qabow.
  • Waxa uu leeyahay shaashad yar oo aad kala socon karto heer kulka waxa aad ku shubato.
  • Waxa uu ka sameysanyahay bir aan daxaleysaneyn oo laba qeyb ah.
  • Qurux gaara ayuu leeyahay.
  • Waxaad xulan kartaa midabbo kala duwan oo uu leeyahay.
  • Ma laha oo kama sameysna caag sumeysan.
  • Waxa uu qaadi karaa 450ML (Nus liitar ku dhawaad).
  • Waxa uu leeyahay shabaq yar oo aad ku filter gareyn karto waxa aad ku shubanayso.

Iibso maanta oo badi biyo cabistaada.

Xog Dheeri Ah

Adigoo xulanaya mid ka mid ah midabbo kala duwan oo uu leeyahay, waad ku xarragoon kartaa caagaddan, kuleyl iyo qabowna waad ku qaadan kartaa, si faahfaahsan, sababaha soo socda ayaad ku dooqan kartaa:

 

1- Waa isugu mid kuleyl iyo qabow, waxaad ku qaadan kartaa waxa aad ka hesho, Coffee, shaah, cabitaan qabow, iwm, saacado badan ayuu kuu heynayaa iyadoo aan heer kulka ama qabowga aan wax badan iska baddalin.

2- Ogow heerkulka waxa aad cabeyso: waxaad ogaan kartaa heerkulka waxa ku jira gudaha weelkan, keliya, waxaad taabanaysaa shaashadda daboolka hal mar, waxa uu gudaha ku leeyahay qeyb cabbireysa kuleylka ama qabowga heerka uu gaarsiisanyahay, qaab Celsius ah (C) ayuu kuugu sheegaayaa, 3 ilbiriqsi kadibna shaashadda yar waa ay is damineysaa si uusan bateriga kaaga dhicin.

F.G.: Haddii uu heerkulka ku soo qoro midab casaan ah, fadlan, marna afkaaga ha saarin, waa uu ku gubi karaa kuleylkaas, waxa ayna caddeyn u tahay in heerkulkaas uusan ku habbooneyn in la cabo, u yara sug inta uu ka qaboobayo wax yar. Hadii uu midab cagaar ah ku soo qoro heerkulka, waa caadi oo waad cabi kartaa waxa gudaha ku jira, ma jirto halis gubasho.

3-  Xulo midabka ku qanciya, xitaa midka labiskaaga ama mid u dhow ee midab ahaan uu ku soo baxayo muuqaaga dharkaaga ama kabahaagaba. Midabbo kala duwan ayuu ku yimaadaa, dooqa waa dhankaaga, midab xulistuna waa dhankeenna.

 

4- Ma daxaleysanayo oo waxa uu ka sameysanyahay bir aan daxalka qaban, markasta, waxa aad cabeysaa waa wax aan daxal taaban.

F.G.: Marka aad dhaqdo, kala qaad daboolka iyo weelka ha qalalo inta aadan dib isugu xirin.

 

5- Waxaa la socda shabaq aad wax ku sifeysan karto, tusaale ahaan, haddii aad ku shubayso shaah aan sifeysnayn oo caleentiisa wata, waxaad adeegsan kartaa shabaqa la socda si aad caleenta uga sifeyso shaaha.

 

Habka Dalbashada

Si aad u dalbato, fadlan raac tilmaamahan hoose

  1. – Ka xulo qeybta sare, Add To Cart
  2. – Ka xulo oo taabo View Cart qeybta ugu sarreysa ee kuu soo baxaysa.
  3. – Ka xulo batanka ugu hooseeya ee Proceed to Checkout
  4. – Buuxi foomka, samee lacag bixinta, oo xulo Dalbo Hadda.

 

You might also like

1 review for Caagadda biyaha iM252

  1. bushro ahmed mohamed (verified owner)

    Aad ayaan uga helay waa mahadsantihiin suuqa 252 hooyo ayan ahay inan aan dhalay ayan u iibiyay oo college dhigta

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Title

Go to Top