-
Boorsaddan yar, waxa aad u qaadan kartaa shirarka, shaqada, waxbarashada. Waxa ay leedahay midabbo kala duwan oo aad xulan karto, marka aad kala furto waxa ay ka soo laabmeysaa dhabarka dambe si ay laabtoobkaaga u siiso hawo marka aad adeegsaneyso.
-
Cover-kan, waad jaajareyneysaa, waxa ku jira batari weyn, waxaad gashaneysaa iPhone-ka, dab ayuuna siinayaa adigoon u baahan in aad jaajar meel u fariisato. Waa dab hel adigoo socda, howl aan kaa baaqan, koronto meel ku xiranna aadan sugin.
-
Ku qurxi miiskaaga nal-hayahan indho-qabadka ah, waxa uu miiskaaga waxbarashada ama shaqada kaaga dhigayaa mid iftiin leh, isla markaana aad si buuxda u maamulan karto halka uu iftiinkaas u jiheysan lahaa, waa mid dheeraan kara, gaabsami kara, una leexan kara jiho kasta.
-
Nalka iM252 waa leyr aad ka damin karto kana daari karto telefoonkaaga. Haa, jiifkaaga ayaad ka maamuleysaa midabka leyrka iM252. Midabka dooqaaga ah ayaad ka dhiganeysaa, marka la soo koobo, maamulaha leyrkaaga ayaad si buuxda u noqoneysaa.
-
Saacaddani waxay leedahay qurux gaar ah, waxa ayna u egtahay saacadihii qadiimiga ee la adeegsan jiray berigii hore. Waxa ay leedahay soo jiidasho gaar ah. Waxa ay ka sameysantahay bir adag oo dhalaaleysa, codna ma laha marka ay shaqeyneyso oo aamusnaan ayey ku shaqeyneysaa.
-
Saacaddani waxay leedahay qurux gaar ah, waxa ayna u egtahay saacadihii qadiimiga ee la adeegsan jiray berigii hore. Waxa ay leedahay soo jiidasho gaar ah. Waxa ay ka sameysantahay bir adag oo dhalaaleysa, codna ma laha marka ay shaqeyneyso oo aamusnaan ayey ku shaqeyneysaa.
-
Saacaddan waxa aad saaran kartaa miiskaaga is qurxinta ama waxbarashada, hab iftiin iyo midab leh ayey kuugu sheegeysaa waqtiga, waxaad sidoo kale u adeegsan kartaa in aad kaga jaajareysato 2 telefoon ama 2 qalab kale sida saacad. Midab madow ama caddaan ayaad kala xulan kartaa.
-
Marka aad ku xirato gacanta saacaddan DT4+ waxa ay soo saareysaa quruxda gacantaada, haddii aad rag ama dumar tahay, waayo waxa ay ka sameysantahay bir adag oo dhalaaleysa, dhalada sarena waa mid ah, tayada iftiinka iyo midabbada waa mid soo jiidasho leh, waxa ay kuu cabbireysaa garaaca wadnaha, socodka, jimicsiga, qof ayaad ka wici kartaa, kalana hadli kartaa saacaddan, codkeedu waa nadiif.
-
Qalabkan, waa nal yar oo aad ku xiran karto qeybta sare ama dhinacyada telefoonkaaga, kaas oo kuu sahlaya in aad iska qaaddo sawirro iftiin leh ama iska duubto muuqaal wanaagsan xilliyada habeenkii. Waxyaabo kale oo badanna waad ku qabsan kartaa.