Suuqa iM252

  • Xiriiriyahan (Fiishtan) waa mid smart ah oo aan la mid ahayn kuwa aan inta badan adeegsanno. Waxa uu awood kuu siinayaa in aad korontadaada ka maamulato telefoonkaaga oo aad ka demiso ama aad ka daarto. Awoodaha uu leeyahay xiriiriyahan yar waxaa ka mid ah:
    • Waxa aad u adeegsan kartaa in aad ku xirato qalabyada guriga ama shaqada, sida Computer, firiij, leyr iwm.
    • Telefoonkaaga ayaad ka damin kartaa kana daari kartaa qalabka ku xiran xiriiriyahan.
    • Meel kasta oo aad dunida ka joogto ayaad ka maamuli kartaa.
    • Waqti ayaad ku xiran kartaa si aad u damiso ama aad u daarto xiriiriyahan.
    • Waxaad ku maamuli kartaa codkaaga, Google Home ama Alexa.
    • Dabka saaidka ahna wuu ka ilaalinayaa qalabka aad ku xirto.
  • Biyo cabista waa wax ku dhisan nolosheenna iyo caafimaadkeenna. Caagaddan biyaha, waxa ay ka sameysantahay bir aan daxaleysaneyn, waxa ayna kaga duwantahay kuwa waxyaabo dhowr ah.
    • Waxaad ku shuban kartaa oo uu kuu heyn karaa kuleyl iyo qabow.
    • Waxa uu leeyahay shaashad yar oo aad kala socon karto heer kulka waxa aad ku shubato.
    • Waxa uu ka sameysanyahay bir aan daxaleysaneyn oo laba qeyb ah.
    • Qurux gaara ayuu leeyahay.
    • Waxaad xulan kartaa midabbo kala duwan oo uu leeyahay.
    • Ma laha oo kama sameysna caag sumeysan.
    • Waxa uu qaadi karaa 450ML (Nus liitar ku dhawaad).
    • Waxa uu leeyahay shabaq yar oo aad ku filter gareyn karto waxa aad ku shubanayso.
    Iibso maanta oo badi biyo cabistaada.
  • Sawir ifiyahan, waa qalab kaa caawinaya waxyaabo badan, waxa aad u adeegsan kartaa:
    1. In aad ku xirato telefoonkaaga si aad isaga qaaddo sawir leh iftiin wanaagsan.
    2. In aad ku xirato Tablet ama iPad si aad sawir isaga qaaddo.
    3. In aad ku xirato Computer-kaaga si aad uga qeyb gasho shir online ah ama fasal.
    4. Waxa uu leeyahay saddex heer oo iftiin ah oo aad kala xulan karto. 1, 2, 3. Midba kan ka dambeeyaa waa uu ka iftiin badanyahay.
    5. Waad jaajareyn kartaa, oo waxa uu wataa fiilada jaajarka ee Micro USB.
    6. Waxaad ku adeegsan kartaa kaamirooyinka hore iyo kuwa dambe ee telefoonkaaga.
  • Ma kugu dhacdaa mararka qaar in telefoonkaaga uu kaa dab dhaco adigoo aan heysan wax jaajar ah oo aad ku dabeysato telefoonkaaga? Cover-kan, waa mid aad jaajareyn karto, waxa ku jira batari weyn oo cabbirkiisu yahay 5000 milli-ambeer (mAh), waxa aad gashaneysaa iPhone-kaaga, kadibna telefoonkaaga ayuu dab siinayaa adigoo aan u baahan in aad jaajar meel u fariisato. Faaidooyinkiisa waxaa ka mid ah:
    • Waa jaajar, waana cover adag.
    • Waxa uu leeyahay bateri adkeysi iyo awood leh.
    • Way fududahay in aad geliso telefoonkaaga iyo in aad ka bixiso.
    • Dhaqsi ayuu dabka siinayaa telefoonkaaga (Fast Charge)
    • Isla jaajarka iPhonekaaga ayaad ku jaajareyneysaa.
    Haddii aad iibsato, waxa aad heli doontaa cover kale oo FREE ah (sida sawirka ugu hooseeya kaaga muuqata.
  • Marka aad laptopkaaga u qaadanayso shir, shaqo, ama soo jeedin barnaamij, boorsaddan waxa ay kuu noqoneysaa wehel qurux leh. Waa boorso fudud, tayana leh. Faaidooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah:
    • Laabtoobkaaga ayaad dul saaran kartaa marka aad adeegsaneyso, waxa ayna siineysaa hawo wanaagsan.
    • Boorsaddan biyo ma galayo.
    • Waxa ay leedahay meel aad saarato Mouse-ka laabtoobka marka aad kala furto.
    • Waxa ay leedahay qurux gaar ah, waayo ma aha boorso buuran ama cayilan.
    • Marka aad laabtoobkaaga ku sidato, looma maleynayo in aad laabtoob sidato.
    • Hadba cabbirka laabtoobkaaga ayaad heleysaa (13 inch ama 15 inch)
    • Midabbada ay leedahay waa (Madow, Cagaar, Bulug xiran iyo brown)
  • Marka aad adeegsaneyso leyrka iM252, uma baahnaan doontid in aad sariirtaada ka kacdo, waayo, waxa aad nalka qolkaaga ka demin doontaa telefoonkaaga adigoo adeegsanaya barnaamij aad ku maamulanayso nalkaaga, awoodaha uu leeyahay nalka iM252 waxaa ka mid ah:
    • Waxa aad ka maamuleysaa APP aad la soo degi karto si FREE ah.
    • App-ka waad la soo degi kartaa (Android iyo iPhone) labadaba.
    • Waxaad ka damin kartaa kana daari kartaa telefoonkaaga.
    • Midabka aad doonto ayaad saaran kartaa.
    • Waad iska yareyn kartaa ama kororsan kartaa iftiinka 1% illaa 100%.
    • Waqti uu is daaro ama is demiyo iskiis ayaad u sameyn kartaa.
    • Codkaaga ayaad ku xiri kartaa iftiinka leyrka oo marka aad hadasho ayuu shidmayaa.
    • Cod telefoonkaaga ku jira ayaad la dheelsiin kartaa.
    • TV-gaaga waxa aad ka daawanayso ayuu la dheeli karaa.
    • Koronto badan kaama cunayo waa 9Watt oo keliya, waxa uuna ku siinayaa iftiin aad u wanaagsan.
    • Haddii aad qolalka oo dhan ku xirato, hal mar ayaad wada maamulan kartaa nalalka oo dhan.
    • Internet ayaad ku xiri kartaa oo adiga ka maqan gurigaaga ayaad maamuli kartaa nalkaaga (Haa, waa run!).
    Hab adeegsiga nalka iM252 aad ayuu u fududyahay. Daawo muuqaalka hoose oo arag sida fudud ee aad u adeegsan karto. https://www.youtube.com/watch?v=khcyZLIuWXI

Title

Go to Top